markaan laba kufkeeno
kalgacayl wadaago
kalsooni isku raaco
laydhaa wada kabanayoo
kaftamaaya eega

kala dheerideeniyo
kelinimo xasuustaye
kaydkii jacaylka
riyo la iig keena
kabo is idhaahda
misa waaba koob madhan

jaceyl waa iskaashiye
nina keli ahaanti
rays biyo korkeeda leh
kama soo dhuriye
markan kaalitade

kala dhiman arkaaye
kalgacal la heesaye
hurda la iga kiciya
uumiga kalgacalba
la kulan is idhaahda
mise waaba keligay

kolba anigoo degay
marka uu jaceylkani
igu laba kacleeyoo
karti igu maquursha
ku dayaa naftee

kala dheerideeniyo
kelinimo xasuustaye
kaydkii jacaylka
riyo la iig keena
kabo is idhaahda
misa waaba koob madhan

ninba kaar ku oogane
markaan kaaha waaberi
kaa waayo gogoshoo
kolba dhan isku tuura
kohoshada la toosa

kala dhiman arkaaye
kalgacal la heesaye
hurda la iga kiciya
uumiga kalgacalba
la kulan is idhaahda
mise waaba keligay

Exit mobile version