VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta laqanyadii jacaylka - Lyrics

Laqanyadii jacaylkaa Sida laan dabayleed Wadnahayga lulaysoo Waa laygu kacayaa Labad baa i haysoo Ma ladoo habeenkii Markaan laamadoodaba Adigaa igu soo ligan Leelalka caashaqu Waa ii laaban yahayoo Wali aniga ima labin Laydhiisu ima qaban Ma lagdamin habeen qudha Ima liqo sidii xuud Ima loolin sida halaqaa Ladnaan baan ku seexda Lalabay baxaayoo Labilabi sakaarada Kuma gaadho liigsiye Waan libin jaleecdaa Aaryahoow libaaxee Miciyaha lisanayee Oodaha ka lalayaa Wali layli baan ahay Ana kaama laastoo Ishu libiqsi diidoo Waxay kaaga lulataa Sida leebka qaansada Ladhna iguma oogno Laabtu ima hurin Sheekada ma laasimin Tobon iyo lixbaan jirayeey Hay lurin anoo ladan Sidii layla hay badin Haygu laalin geedsare Hay lumin sidii qays Haygu laakimoono Leexada ha igu qarin Laan gabi ku taaliyo Hashu laaca aragtaye Laagu uma muuqdee Laanyare ayaa tahay Timoladin lidkood ladan Waxaan nahay lab iyo dhedig Ifka la isku uumoo Wada laacdamaayee Laqdaba iga diidee Isku kay lifaaqdee Laba ha isku baratee Lali lali ma tahayoo Liishaan ma badisaa Lugtaad adigu qaadaba Waan kugu lamaanee Laba ha isku baratee Fardo la isku fuulaba Miyaa la isku faanshaa
Queue is empty
-- / --