VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta laqanyadii jacaylka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cadeey cali ahmed
laqanyadii jacaylka

Laqanyadii jacaylkaa
Sida laan dabayleed
Wadnahayga lulaysoo
Waa laygu kacayaa
Labad baa i haysoo
Ma ladoo habeenkii
Markaan laamadoodaba
Adigaa igu soo ligan

Leelalka caashaqu
Waa ii laaban yahayoo
Wali aniga ima labin
Laydhiisu ima qaban
Ma lagdamin habeen qudha
Ima liqo sidii xuud
Ima loolin sida halaqaa
Ladnaan baan ku seexda

Lalabay baxaayoo
Labilabi sakaarada
Kuma gaadho liigsiye
Waan libin jaleecdaa

Aaryahoow libaaxee
Miciyaha lisanayee
Oodaha ka lalayaa
Wali layli baan ahay

Ana kaama laastoo
Ishu libiqsi diidoo
Waxay kaaga lulataa
Sida leebka qaansada

Ladhna iguma oogno
Laabtu ima hurin
Sheekada ma laasimin
Tobon iyo lixbaan jirayeey

Hay lurin anoo ladan
Sidii layla hay badin
Haygu laalin geedsare

Hay lumin sidii qays
Haygu laakimoono
Leexada ha igu qarin

Laan gabi ku taaliyo
Hashu laaca aragtaye
Laagu uma muuqdee
Laanyare ayaa tahay

Timoladin lidkood ladan
Waxaan nahay lab iyo dhedig
Ifka la isku uumoo
Wada laacdamaayee

Laqdaba iga diidee
Isku kay lifaaqdee
Laba ha isku baratee
Lali lali ma tahayoo
Liishaan ma badisaa

Lugtaad adigu qaadaba
Waan kugu lamaanee
Laba ha isku baratee
Fardo la isku fuulaba
Miyaa la isku faanshaa

codkii Cadeey cali ahmed, Maxamed cabdoo saalim