hoobaan wanaagay
haasaawe quruxey
huunoy hadal macaaney
hilibkaaga lama wadho
hanasiiyo hadalkii
hubaalaysay socodkii
goormaa lagula hadhay
halisbaad ku sugantahee
miyuu hadalba yaalaa
shalay waad haboonayd
markaad ila hadlaysay
sowkan haatuf kula tagay

ruuxuu markuu hulada galo
ama uu hoyga dhigo
ama uu hoydoo iilka ladhigo
waa lagaa hadhaayoo
dadku uma hiloobee
hashuu cunay waraabuhu
heeryadeedii noqotee
miyuu hadalba yaalaa
shalay waad haboonayd
markaad ila hadlaysee
sowkan haatuf kula tagay

Exit mobile version