aniga maalamahan
midbaan miyirkaygii qaadayoo
naftaydii mashquulisee
sidii qudhaca maydhaxdii
madheedh geed sare kuyaal
ayey iigu muuqataa
hadaan ka maqnaan lahaa
miyaan kaba maarmayaa

naftahani muhashada jacayl
miciin moodaysayee
muraadkeedii ogoyd
midii maanqaadaybay
iyadu daba meeri
amaantii iga mudnayd
hadaan ka maqnaan lahaaa
miyaan kaba maarmayaa

Exit mobile version