hadii aan kaalin galay
kalsoonida i dhiirisay
hadii aan dareemo karah
kurbada dawo iga tidhaah
hadaan ifka kali ahaa
wehelka i kalkaalisay
i kaba dhibta jiraay
naftan koolkooliyay
karaama i deeqdayo
janada la iga keenayee

waxaad ii tahay kuldhaan
kufkaa ruux kuu dhigmana
kumaan arag koonka ee
dunida kalgacayl ku joog

hadaan meel gaadhay kore
kartida i hagtaa tahee
kaskiyo caqligaa kufgiyo
aduunyada kaashadaay
kibirku waa dagmaaye
kaalamati qaalib keena

hindisa ima kala ridaay
kaamilan jacayl huraay
kaahi nalka daaraye
nolosha kaafiyaysee

Exit mobile version