karti iyo ismaqalbaa lagu kaalin galayo
adiguna kasmaha dumar kaalmaysi moodee
ii kaalay labadeenu kala maarmi maynee

ninkii kaligii meel mara isma kaafinaayee
kaftan ma le danteenuye adaan lagu karayn

anigoo kalgacal qaba hadaad iga kibrayso
ninkalood la kulantaa kolay kuma kabaaye

Exit mobile version