Dunidan casar joogtadaa
caweysinka lacdanka
cayaarta habeen barka
cubaqtiyo laqantaa

Hadaan canabeey
jaceyl cibaada ah kugu dul furay
colaadna dartaa u galay
adoo ciirsiila fadhiya
haddaan calan kaa dul lalay

Dhededan ceryaamadaa
cawriirka hababintadee
calaamada qaybintaa
ayaan ciddi kugu lug goynee

Ha noqon cidla aan la mudanee
cawanaan laga lug bixinon
jirriyo ceebna toona garan
jacaylkana ceeb ha badin

Dunidan casar joogtadaa
tabaalaha caashaqa
cilaaqdiyo faaladdaa
cibarada addunyada

Caloosha waxaan ka raboo
haddii u col hortaagan yahay
culeys weyn igu hayaan
wax kale i cadaadiyaan
miyaan carabtahayayee

Tigaagyada caymiskaa
cataabada racadadahee
caraabada jogsadaa
calool xumo yeey ku galinee

Ha noqon cidla aan la mudanee
cawanaan laga lug bixinon
jirriyo ceebna toona garan
jacaylkana ceeb ha badin

Exit mobile version