Waa wada macaan dumarku
Waa marinka nolosheena
Waa midabka quruxdeena
Maamuuska dhaqankeena

Waa midhaha tarankeena
Waa laba mataanaynta
Waa madiga habistiisa
Waa maxasta korintooda

Murtiyo dhamaanteedba
Waa MUSTAFOW RASUULKIYO
waa MAXAMED hooyadii

Waa Maryama Cimraaniyo
Waa CIISE maamadii
Waa wada macaan dumarku

Waa wada macaan dumarku
Waa madaxa qoyskeena
Waa meher xalaasheena
Waa maamulkii guriga

Waa mudanka inankeena
Waa madal ku faankeena
Waa muuqa sharafteena
Waa geesi midigtiisa

Exit mobile version