amakabayo wan asqoobay
eebe quruxduu edebsan siiyay
waana ubaxiyo eegmada ur oon

il doogsigeeda urug ku saaray
erayadeeda aad u dhuuxay
oo akhlaaqda lagu ilhaamay
la ashqaraaray

alla ya cisak aragtideeda
alla yacisak iftiinka dheeha
alla yacisak udgoonideeda
alla yacisak uur sanaanta
alla ya cisak astaamaheeda
alla yacisak ilayska nuura

u qushuucayo wan istaagay
oo ugbaadsan eray aan idha
oon u quudha afkii ka waayey

amar illahay ruux asaaged
ilwaad ku gaadha ifkaynu jooga
ka arki waayo anoola yaaban
aaamus doortay

alla ya cisak aragtideeda
alla yacisak iftiinka dheeha
alla yacisak udgoonideeda
alla yacisak uur sanaanta
alla ya cisak astaamaheeda
alla yacisak ilayska nuura

Exit mobile version