Waxaad tahay qof baariya
Bilis quruxda loo xulay
Bilcan sharafta lagu siday
Oo dumarba dheeroo
Ku barbaartay xilashada

Dhaqan la diido maad baran
Burjigaaga gobonimo
Ayaa jacaylkan biiriyay

Qof busaylku daashaday
Oo xiisuhu biyo dhigay
Qof adi ku beegsaday
Ma dooxdid bogiisoo
Dartaa ruux bukaan qaba
Ruux bogsiin karaad tahay

Waxaan ahay qof beegsiga
Haween adiga kaa biday
Ifka adiga kuu bogay
Oo dhigaa ka baydhoo
Ku boqraaya hibashada

Ficil wax biiya maad falin
Biligaaga boqornimo
Ayaa beerka layliyay

Exit mobile version