waan ku dayraa kuu daryeelaa
waa i diidaa waad i damaqdaa
dadab guribaan ku dadaalaayoo
adna dookhaad ka dul oogtaa

marbaa doog tahay marbaad dabintahay
marbaan daraniyo deebaaq ii tahay
mar dabiib iyo dawaad ii tahay

markaan soo dago adoon sii dudin
markaan ku daayana diiqadaan mudan
dayro iyo gu' mid inoo door

waan ku doonaa kuu dan seegaa
waad i durkisaa waad i dabartaa
daacad xiisaan ku daleeyaayoo
adna ducadaad dib u riixaa

marbaad dugsi tahay marbaad dayaw tahay
marbaad dacariyo durow ii tahay
marna dajiyaay doojiyaad tahay

Exit mobile version