dhisaay anigaa ku dhawrta
dhamaanba haween ku dhawrta
dhamaystiraneey ku dhawrta
dhigaa ka soo dhawaysta

jacaylka adaa dhitaysta
adaa dhidibada u aasa
adaa dheeftiisa doona
waliba dhaqashada u heelan

dharaar qudha eegmadaada
hadaan dhuigashada ku waayo
dhisaay anigaa dhaxmooda
dhinaasho anaa dareema

dhaabay adigaa i dhiirsha
adaa i dhiloo i dhiirsha
adaa qayrkay i dhaafsha
adaa ii dhago nuglaada

inuu caashaqu dhantaalmo
adaa dheeliga u diida
dhaawaca hadalada abuura
dhexdeena xumaan ka saara

Exit mobile version