Hilbo wada dhashoo
Hanad naasir iyo
Halyeey mustafe dhalay
Halyeey mustafe dhalay
Ilma adeer hantiyey
Hadhuubkii cishqiga
Wada hiinsadoo
Kalgacayl hantiyey

Hilbo wada dhashoo
Hanad naasir iyo
Halyeey mustafe dhalay
Halyeey mustafe dhalay
Ilma adeer hantiyey
Hadhuubkii cishqiga
Wada hiinsadoo
Kalgacayl hantiyey

Dooq qurux san iyoo
Lagu hooyey dhaqan
Hibad maxamedyee
Hadri hoodo wacan
Waa gayaan is helay
Waa is hanashadii
Aroos hirasho wacan

Dooq qurux san iyoo
Lagu hooyey dhaqan
Hibad maxamedyee
Hadri hoodo wacan
Waa gayaan is helay
Waa is hanashadii
Aroos hirasho wacan

Hanti lagu baxshoo
Waalid hodani dhalay
Hooyooyin ubax
Ay wada hayaan
Hanti lagu baxshoo
Waalid hodani dhalay
Hooyooyin ubax
Ay wada hayaan

Kala hela kalgacal
Aan halaabin abid
Awlaad lagu hudmiyoo
Ubad hoodo wacan
Hargaysiyo boqor
Isa seeginoo
Hani faraxa noqon
Hoy barwaaqo gala

Kala hela kalgacal
Aan halaabin abid
Awlaad lagu hudmiyoo
Ubad hoodo wacan
Hargaysiyo boqor
Isa seeginoo
Hani faraxa noqon
Hoy barwaaqo gala

Kala hela kalgacal
Aan halaabin abid
Awlaad lagu hudmiyoo
Ubad hoodo wacan
Hargaysiyo boqor
Isa seeginoo
Hani faraxa noqon
Hoy barwaaqo gala

Kala hela kalgacal
Aan halaabin abid
Awlaad lagu hudmiyoo
Ubad hoodo wacan
Hargaysiyo boqor
Isa seeginoo
Hani faraxa noqon
Hoy barwaaqo gala

Exit mobile version