sidii meel damoo dab lagu shiday
hablaha dunidaad u tahay dayax
darteed ruux dishoo dagay
dawooy waxa tahay digtoor dhaya
ilkaha dabarka leh kolkaan dayay
inaad duriyadii tahaan qirayee

adaa i deeqoo dumar u diidoo
dhibka dareemoo daalka biiyee
qalbiga doojaay daryeelaay maankee
kaalay daadah dadab galkeena

laba isu danoo dookh mideeyay
aan is diidiinoo is dagaalin
dabci wacanoo dadku eegtoo
dun xariiraay DAAIM naga yeel

adaan dagin ruux ku doortoo
daryeelay oo dugaashaday
qalbiga daacadee la daawado
adaa duco qabtooy damiir wacan
adaa doojiya hankii dilan
ku daydaan dumarka qayrkeed

adaaa dabiibo dawga mariya
ruux dayooboo caashaq daashaday
sidii duruustii adaan ka daalin
ruux dantiisii dartaa ilooway
oo dartaa adi dantiis ilaaway

Exit mobile version