xidigtii togdheere
xaragada u dhalatiyo
dumar xulashadoodaay

sida xayska roobkaad
laabtayda xadantiyo
ku abuurtay xiisahee

xareed galacda haysiyo
adaa xoorka caanaha
ka macaan xagaygoo
waan kugu xamdiyayaa

xawaarihii jacaylkaa
socod igu xanbaaro
xeebiyo bad ila maray

sida XAAKIMKEEN yidhi
guur waa xalaaloo
xumaan laguma sheegine

Exit mobile version