hadaad kala tuurtay
jacaylkii koraayay
oo aad kama mooday
ka leexo dhankeeda

waxaan kurba weynba
jirkayga kor saarin
horay u kordaalay
xumaa kuma siidayne

haduu koohan waayay
kolkayga hamuunka
bartuu kaashanayay

kadeed ku idlaayay
kaskaaga ma eeday

adoon ka fiirsan
wixii kun habeen
kalsooni dhexdeena
wanaagi koraayay

miyaa kidif caawa
halkaad kambadhuudho
jidhkaaga ka qaado
u koobtay warkiiba

haduu koohan waayay
kolkayga hamuunka
bartuu kaashanayay

kadeed ku idlaayay
kaskaaga ma eeday

Exit mobile version