sabanadana ragan kacay
saamigaa adigaa u sitoo
sinta laguma qaban
midaan kula simoo kaa
sareeya e
waxaad tahay se roob
samadiyo dhulkaba
wada siraadayoo
quruxdana sangiyo
faras sayn lehoo
seera daaqayee

ubaxaan sidaan surinkad
martaba ku dul saydhiyo
sidaad tahay amiir boqor
iyo suldaan ku salaamaye

san ku neefle iyo soomaliban
kaa sahan sadoo saatirbaan
ducada sacabada u dhigtoo
salaadii baryee wadnahaad
sidii silis iyo qardhaas cabdi
sudhantohoo saablayda iyo
seedaha jidhkaad ku samaysantehe

Exit mobile version