VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gumeysi - Lyrics

Kaa galayba laga galaa Jawaan waa lagu kufaa Gadiid waa la cuskadaa Oo waa laga dhaadhacaa Ga,dii kale waxaan lahaa Kol waa gaage iyo dhereg Kol waa guul iyo guhaad Kol waa roob soo gudciyo Abaar xooluhu go,een Waayoon labadiisa galin Aduun geeri iyo nolol Mid uunbaa kula gudbane Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Kadoodbaan soo marnoo Maantana gaashaan dhig iyo Gaadiid baan leenahaye Gambiga waan gali karnaa Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Gaadada wiilkaaga oo Korkiisii dhiigay iyo Burburkaa kaarihiyo Kumaan dooraas hayiyo Daraawiish gaardidiyo Kolkii aan gees ka dayo Gariiryaa iga kacdee Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Kol calooshii gocan jirtiyo Guhaadii laga baxyoo Galadii noo soo gashee Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Nin goomanaan jiraba Garaadkiisu hadmoo Geesbuu gaawa u cugtaye Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Guro iyo gacan dhig xayn Afxumadii goor walbiyo Ganaaxii lama arkee Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Gamboonaantii horiyo Godkii laga soo baxyoo Gudcurkii kuma jirnee Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Mudanayaal geesiyoo Kursiga loo doortayoo Gudoonshe mineed sariyo Madaxweyne guud Garsooraan yeelanaye Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Waagii gaaladu fadhiday Garaado hadii la helo Korkeenii loo dhigaa Isbatoor gaasiriyo Kablow lama dhaafi jirin Maantana geeskan an watiyo Galeeto is giiji iyo Minjir gaafleera iyo Kabtankii iyo korneel Garoon xaasaw leh baan Garbaha loo suubsadaye Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Cafiif aad soo gashoo Nin gacalkaa ihi fadhiyo Dantaada uu kuu gudiyo Afkiisaba kaan la garan Ha loo fiirsho ee gadaal Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa Ga,dii kale waxaan lahaa Arday kumayaal ahoo Galaaf wada qaatayoo Tacliidoontii gutoo Kor is qaar gala hayana Ha loo fiirsho ee gadaal Gumaysigiyo gobonimadu Ma laba la is garab dhigaa MAYA
Queue is empty
-- / --