VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Gumeysi mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Carays Ciise
Gumeysi

Kaa galayba laga galaa
Jawaan waa lagu kufaa
Gadiid waa la cuskadaa
Oo waa laga dhaadhacaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Kol waa gaage iyo dhereg
Kol waa guul iyo guhaad
Kol waa roob soo gudciyo
Abaar xooluhu go,een
Waayoon labadiisa galin
Aduun geeri iyo nolol
Mid uunbaa kula gudbane
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Kadoodbaan soo marnoo
Maantana gaashaan dhig iyo
Gaadiid baan leenahaye
Gambiga waan gali karnaa
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Gaadada wiilkaaga oo
Korkiisii dhiigay iyo
Burburkaa kaarihiyo
Kumaan dooraas hayiyo
Daraawiish gaardidiyo
Kolkii aan gees ka dayo
Gariiryaa iga kacdee
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Kol calooshii gocan jirtiyo
Guhaadii laga baxyoo
Galadii noo soo gashee
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Nin goomanaan jiraba
Garaadkiisu hadmoo
Geesbuu gaawa u cugtaye
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Guro iyo gacan dhig xayn
Afxumadii goor walbiyo
Ganaaxii lama arkee
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Gamboonaantii horiyo
Godkii laga soo baxyoo
Gudcurkii kuma jirnee
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Mudanayaal geesiyoo
Kursiga loo doortayoo
Gudoonshe mineed sariyo
Madaxweyne guud
Garsooraan yeelanaye
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Waagii gaaladu fadhiday
Garaado hadii la helo
Korkeenii loo dhigaa
Isbatoor gaasiriyo
Kablow lama dhaafi jirin
Maantana geeskan an watiyo
Galeeto is giiji iyo
Minjir gaafleera iyo
Kabtankii iyo korneel
Garoon xaasaw leh baan
Garbaha loo suubsadaye
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Cafiif aad soo gashoo
Nin gacalkaa ihi fadhiyo
Dantaada uu kuu gudiyo
Afkiisaba kaan la garan
Ha loo fiirsho ee gadaal
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

Ga,dii kale waxaan lahaa

Arday kumayaal ahoo
Galaaf wada qaatayoo
Tacliidoontii gutoo
Kor is qaar gala hayana
Ha loo fiirsho ee gadaal
Gumaysigiyo gobonimadu
Ma laba la is garab dhigaa

MAYA

codkii Carays Ciise