Gulee waataan lahaa
Dha, looxa lagu dhigaa
Dhaayaa wax lagu arkaa
Dhaasiin waa la akhriyaa

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Caalamku uu inoo ifoo
Dhiirida aan u hadalnoo
Dhawaqa dheeraysanoo
Dhagbay meel dheer dhacdoo
Lafaha dhuuxada oo
Ragii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dhiciskii naga baxoo
Dhameyska aan noqonayoo
Xaqeena aan dhuugsanoo
Dhaxalkeena inaan helnoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Wixii ina dhuuqayiyo
Gafanahii soo dhacoo
Dhirifkii naga ba,oo
Dhoolaha aan muujinoo
Dhab dhab aan u qosolnoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dhidigood iyo dhalaan
Dhamaan dheel loo baxoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dhaankii aan diidnayoo
Dhoomihii aan xoornayoo
Aan wada dhaantaynayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Xilkii uu naga dhacoo
Dhogortu ina martoo
Baliiglay dhaadatoo
Hawada ay dheeshayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dhagartii naga hadhoo
Afaydii aan dhignoo
Madaxa aan dhaashanoo
Dharkeena aan dhaqanayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dheeligii uu naga ba,oo
Dhulkana dheeftuu lahaa
Inaga noo soo dhacdoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dho guya oo noo da,oo
Xareed laga dhaansadoo
Dhirtuna doog dhoogmayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Midkeenii dhoof jiriyo
Xoolaha kii dhaqanhayiyo
Dhamaan soomaali weyn
Dhawaaq la isugu dhuftoo
Dhiiladu ay wada dhashoo
Dhagta ay wada qaadayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

Dha,dii kale waxaan lahaa

Dharaaraha kuma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Dhiblo iyo dhuudi iyo
Wixii ina dhuuqayiyo
Dhurwaagii erinayoo
Lafaha dhuuxooda iyo
Dhiigii noo nabad galoo

RUNTAA

Exit mobile version