hablaha gayigeenanad gayaan iigu mudantee
ha gees marin ruuxdanoo ahaw gacal igu lamaan

gabadhyahay socodkaaga gacmihiyo midabkaaga
garawshaha edaabtaada ku galaysan naftayda

xiska goobaa ayaanbaa guri inaynu wadaagnee
gaariyeey aan ku qaabilee adna ha diidin guurka

gacantaadana bal keen guushaynu rabnay waynu helnee
guri kii kula gala gam'a hurdo raaxo lahee

Exit mobile version