Hareer kuguman baynin
Haween kulamaan simayn
Naftayda anoo hibeeyay
Dartaa u haraaday maalmo
Ma gayo inaan kala habawno

Humaag run ahayn ha eegin
Ha galin boholkoo hagoogan
Hadalka nacabku higaadsho
Ha moodin xaqiiq hubaaloo
Ha maqlin kala hufaay

Fudayd yuu noqon hankaagu
Hoobeeyooy
Hinaasuhu yuu ku hoojin
Hoobeeyooy
Hubsiimo adoon hal siisan
Hoobeeyooy
Ha qaadan go'aan haleeya
Kalsoonida hadafyadeena

Waxa ugu daran hedaada
Hogiyo u hanee qudhaada
Qofaan ku ogayn u hawl gal
Adoo hakran waayay ruuxa
Marnaba kuu hurayn jacaylka

Waxa ifka hoodadiisa
Hantoo hamigooda gaadha
Khilaaf waloo horyaala
Labadii heli kara xalkiisa
Malyaynada ku hilaaca

Exit mobile version