layaab anigaa la nool
lurkana anigaa u jeeda
labkana anigaa u liitaa
libkii anigaa nasiixay

maxaan laamiga istaagay
laydhkana anigoon u jeedin
maxaan kolba layn fadhiistay
layaabay naftayda laaxshay

ladh iyo iga daa dhibaato
ladnaanta ha igu eedin
miyay labin kula ahaatay
liciif iyo hadal yaraanta
inaan kaligay u liico

la yaab anigaa lumaaya
laxaadka anigaa wareershay
laftana ka jaboo ilmeeyay
laxawga caashaqa karkiisa

miyaan la wareeray waayo
la seexdo la asqoobay
intaan labiskii ilaaway
maxaan kolba luuq isduubay

Exit mobile version