Sida meel batwaaqo ah
Oo buuro dhaadheer
Wabi baal maraayoo
Barbarkana daruuruhu
Kaga beeganyihiinoo
Waaguna baryaayoo
Bardihii magooliyo
Ubixii ka baal baxay
Balanbaalis qalimale
Hadba laan ka boodaa
Adna ii bildhaantaa
Biligdaadu waa taa
Kalgacaylka beertiyo
Bilicdaad wax dheertahay
Meel baad ku hooroo
Maaqii gal dhigiyo
Maadiyo baduuluhu
Barka isku sooleen
Amba aan ugaariyo
Barya haada soo marin
Oon wali barigu gu'in
Biyuhuna qulqulayaan
Sida loogu oon baxo
Yaan kugu badhaadhaa
Adna ii bildhaantaa

Exit mobile version