Ceel dheela hoo
Dulis gaaban iyo
Dambar lagu cabiyo
Dookhaa isku keenee

Waa hadal da, weyn
Tusaaliyo digniin
Aayaha dambana
Kursi kaaga dhigan

Ee dib isu qabo
Hana daalinoo
Hadal yuu ku dilin
Ee dib isu qabo
Hana daalinoo
Hadal yuu ku dilin
Niyo kaa dadbani
Uma diri naxdee
Niyo kaa dadbani
Uma diri naxdee

Dadka lama qasboo
Raga laguma dayo
Wuxuu diidayee
Damac dheerida

Waa dardaaranoo
Danbay kuu tahee
Xishoodkii ha dayicin
Dumarku lahaa

Ee dib isu qabo
Hana daalinoo
Hadal yuu ku dilin
Ee dib isu qabo
Hana daalinoo
Hadal yuu ku dilin
Niyo kaa dadbani
Uma diri naxdee
Niyo kaa dadbani
Uma diri naxdee

Exit mobile version