Qoraxduba iftiinkii
Badh ka qadaanayso
Ubaxyada qudhoodaa
Qoraan sanaayoo
Inta qalanja dumare
Ku qancaan aadmigu
Qalbigaygu meeluu
Ku qaboobilaayoo

Dabcigu waa mid qaaliya
Quruxna waa midaan rabay
Aniga waa iqaadoo qaali waa isidataa

Indhahaan qiyaastii
Uga quusan waayoo
Qaybaha jidhkaygaa
Gabigood qadariyoo
Qacda aragtideedan
Naxariis abuuraa
Waa tusaale qoraniyo
Qoys awliyaadbaa

Exit mobile version