banaanadii cadaadiyo
cosobkii hobyoodaa
dayaxoo cadaanoo
cadced subax la mooda a
yaa kula caweeyoo
ceesh kula wadaagoo
cishigii markay tahay
ciyaarada la tumataa
cabaadhyada jidhkaagiyo
cambuurada naasaha
hadii aad igu caawin lahay shamisey
ciil wuu i dayn lahaa
caykaagan oo kale caadil maba abuureen
hadaan kuu cuskado meher
shamsa kuma canaanteen
cuqdi kuguma beeren
ciil kuguma dhaliyeen
cay kuuma curiyeen
ceeb kuuma quudheen
walee kuma canaadeen

bacaadkii camaariyo
cir onkaday hilaacii
daruuruhu cartamayaan
cadceed dahab la moodaay
yaa calaf ka yeeshaa
hanad aad u curataa
casarkii markay tahay
cuud aad u shidataa
midabkaaga cawlka ah
ciradkaaga culaygaa
bushimaha casaanka shamso
dhunkashada ku caawiya
hadaan kuu cuskado meher
shamsa kuma canaanteen
cuqdi kuguma beeren
ciil kuguma dhaliyeen
cay kuuma curiyeen
ceeb kuuma quudheen
walee kuma canaadeen

Exit mobile version