hadaad samahayga diiday
hadaad xumo ila doontay
hadaan u duloobay awgaa
oo aanad ii diir naxayn

daacadbaan ahaayoo
adaa iga danaystoo
dookhayga diidee
dulmiyay nafteydee

rabi daaim weeyee
xaqa daah ma saaree
samir iyo dulqaadbaan
ku dadaalayaayoo
allaan deeq ka sugayaa
deeqooy ogsoonoow

hadaan dibindaabyadaadii
hadaan udul qaadan waayo
hadaan kugusoo dareemin
ayaan dib kaaga soo dagee

doqonbaan dibaaxanoo
waan kugu daalee
maxaan kaa duljoogaa
i dar yeeli waydee
by masuul.com

Exit mobile version