gayaankayga oo idil
inantii aan kaligeed
aan ka caashaqe
anii i deeqdaay
igu dheer waxaa tahay
farxiyyaay tahay
aroos inaan yagleelnoo
ubad aan wadaagno
arkoo uurkaa ku tabayee

sida man iyo ubaxeey
ilayska dayaxiyo
nuur ii baxaayoo
araga deeqaay
igu dheer waxaa tahay
farxiyaay tahay
aroos inaan yagleelno
ubad aan wadaagnaa
arkoo uurkaa ka tabaye

Exit mobile version