cimrigay intaan jiray
amba cayn haweenkaa
canabeey adoo kale
walee carada kuma arag
sida canabka beeraha
cambo soo gudaataad
nafta aad cajabisoo
kuu cuntamaysee
caloolyawga iga daa
calafkaygii noqotee
aan caleemo saarnee
soo xidho cunaabiga
aan wada cawaynee
cirkoo onkkaday iyo
soo curiyay roobiyo
cadar soo iftiima
duni iila cayn tee
adaan kaa calmadaye e
caafimaadkii nolosheey
jacayl waa curdoneey
caashaqa ma isku keen galay
caloolyawga iga daa
calafkaygii noqotee
aan caleemo saarnee
soo xidho cunaabiga
aan wada cawaynee