hobeey hobeey heelooy hoobeey
hobeey hogol curatayoo
haleeshay burciyo nugaal
hawdkiina loo wada hayaamay
qalbiga u haleeshayeey
uma bukin hadallka inantee
hubaal waa idaan rabee
hadmaan ka bogsooni caashaqa

hobeey hobeey heelooy hobeey
hoeey hoobaan bislaataay
hanaan iyo qurux haweeneey
haybadii asiiliyeedeey
hubaal waan kaa helee
waan ka helay hadalka inantee
hubaal waa midaan rabee
hadmaan ka bogsooni caashaqa

hoobeey hoobeey heelooy hobeey
hobeey canbayahaw bislaatay
waxaan ahay hidaha fiican
nimay hooyadiisu
ku hanuuniso kugu hanwayn
waan ka helay hadalka inantee
hubaal waa midaan rabee
hadmaan ka bogsooni caashaqa

Exit mobile version