hiigsigii kalgacalkiyo hankaygii u lumin rabtee
horaad iilug goysoo
nasiibkaygan hodanka ma halaabine
marwo hoodo badanoo sharaf lagu hagoogiyo
mid ii hiilasaan helay
ha ungoobinoo hana igu riyoonine
horaan sama kaaga waayoo
hawaawiga daayoo hawadiyo laydha raaco
ha igu habsaaminee ka buldhe
hadaad mooday dheel dheel habayd weeyi
caashaqu hantaaq looma quudhe