bilaneey walaaleey
baaridaan jeclaayey
waxaan kuugu baaqayaa
baladkii jigjiga iyo
deegaankii balaadhnaa
qurux loo wada bogay

intuu ku bariistuu
boga kuu fadhiistaa
hadaan la isu baaqayn
la isu beer naxaynin
bismilahi waa diin
balooy badh xijaaban
kuma baydho caashaqu
kuma baaqee garo
adaan kuu ba'aayaa
i garwaaqso gabadhyay

boga iyo halbawlaha
beerkiyo wadnahayga
hoy bilaneey ku tabayee
kuma baal maraayee
caashaqa ha baylihin
baashaada ila qabo

dabadeed ka sii bood
damiisna baal raac
anigaa bariidada
bayd wacan ku gaynoo
daalka kaa bogsiine
dabadeed badhaadhaha
yarkii baaqa dheeraa
heesaha baroorta
baloolayda kuu tumay
bal hilaacna soo baro

Exit mobile version