dharaarba waxaad qabtaan
ahay ruux dhadhamiyee
ma ogtay dhibkaaguba
anuu dhaawac igu yahay

dhaayahaygiibaad tahoo
kuma dhaafsan karo ruuxe
inaad tahay qof igu dheer
dhana yaanay kaa marin

marwadaan ku dhaataay
dhabaan kuu jecelee
adigoon dhunkaal siin
nafta ii dhaqaalee
way naga dhaxaysee dhaqaalee
way bebe noo dhaqaalee
way naga dhaxaysee dhaqaalee

waxay farxad ii dhantay
markaad igu dhararsantee
ma ogtay dheeligaaguba
inuu yahay dhabar jabkayga

hadaad dhuuni ka caagto
ana dheef ma qaadan karee
hadaad dholosho adigu
dhankaygaa ololayaa

Exit mobile version