Hibooy muuqiyo korkaaga
Macbuudku siduu ka yeelay
Xumaha adigaa ka maydhan
Quruxna maashaa alaah dhe
Axdiga meeshaan dhigayno
Man iyo ubax baan
ku beeri
Adigu mooskaad ujeexi
Mudnaantana waan
ku siini
Wadnaha magan baad utahay
Naftana madi baad utahay
Nolosha malab baad
Utahay
Indhaha muxubaad
Utahay
Miciinka hagaad utahay
Hibooy dhagahaa maqlaaya
Habeen dama oo madooba
Codkaaga macaan xabiibi
Hortayda adoon ka muuqan
Inaan kala maarmi wayno
Jacayl milgihiisa weeyi
Nacabku dabinkuu maleegay
Ha moodin inaan iswaynay

Exit mobile version