jacayl beeniyo afka ah
maxaad igu beer lushoo
waxaad tahay waan bartee
buskiyo beentaas ka daa

waxaad tahay hawlo badan
dharaarba mid baabsatoo
buugbaan kaa qoray cilmiya
bogiisana kugu sawiray

mid aad bohosha u qadoba
anigu waan kaa baxee
ilmada dhaayaha ka bii
ha boodine orod dhaqaaq
bartaa sheekada ku goo

baraha internetka ee
wixii wara baahiya
bulshada ugu qaybiyaa
inaad tahay balanbal sida

kalgacalkaad beertaybaa
bukaan igu reebayoo
RABAA iga badbaadiyoo
bogsaday oo waan ka kacay

Exit mobile version