kuguma raysane bal kaadso
aduunbaa rabaasee rafiiqso
ana kuma rabee rumayso
ruuxda ku diidee jidayso

raaskiyo gurigaad dagayso
adoon hayn lama rideeyo
ha waaalin ruuxdee dhagayso
meel kale raxankaaga gayso

caashaqa raroo iga adkayso
caashaqa raroo la jeeso
naa caashaqa raroo gayaankaa miciinso

kuu raray awrtee kaxayso
kuma raacin niyadee yaqiinso
naftu kuma rabtee nasiibso
reerku ma dumayee jidayso

rayskiyo raaxadaad arkayso
adoon rafan looma heeso
ha waalin ruuxdee dhagayso

Exit mobile version