Dadka lama lugoyoo
Lama liido aadmigaa
Qof lilaahi kuu jecel
Hanka lagama siibo
X2

Lama wiiqo ruuxii
Labtiisa kugu qoray
Qofka aad laween
Tahay lama geeyo
Meel daran X2

Naftan liicday owgaa
Lama xiiso lumiyee
Qalbi kugu lamaanaa
Laxow laguma dhaafe
Waa laga libgaaraa
X2

Qalbi kugu ladnaadoo
Jaceel kaagu laasimay
Lama bado dhibatiyo
Lurka dunida yaalee
X2

Lama wiiqo ruuxii
Adi calanka kuu lula
Marka uu yar liitana
Naxash laguma sii
Rido X2

Naftan liicday owgaa
Lama xiiso lumiyee
Qalbi kugu lamaanaa
Laxow laguma dhaafe
Waa laga libgaaraa
X2

Exit mobile version