Muuqiyo aragaad tahoo
Taraag maantaan galee
ogow miyirkiyo xiskuba
Aday magan kuu yihiin

Wax badan ma maqnaanayee
Mudada aynu kala fognahay
Ruuxdana murugada ka daa
Ha farin maankana fikirka

Dardaaran waxaan marwooy
Ku sii fari laa mar kale
Aduunyada maalka yaal
Masiisto naftaad sidee
Mataantaydii qudhaay
Intaynu nahay laba ismoog
Mudnaanta ii sii iyada

Masaafadu waa dhiboo
Naftu ma xamili kartee
Durbaba minitkaan socday
Noloshu ii tahay madaw

Muftaaxii qalbigaad tahee
Markaad tagto xusuusihii
Maqalka igu soo kaboo
Fariin macaan igu labee

Exit mobile version