Dhibkaan xalkayga raadshaa
Rajadaan u dhidbaayay guusha
Iyadu dhinaceeda kaabaa
Sabaax dhinaceeda kaaba

Dhigayga si aan u dhaafo
Halyaynimadayda dhaawaca
Maxay ugu dhabar adaygtay
Sabaax ugu dhabar adaygtay

Ma dhaho aniguna dhankayga
Dhawaaqiyo hadal dhibaaya
Dharaarba waxay jeclaato
Kolay tahay dhimashadayda
Si aan ugu soo dhaweeyo
Anaa farxadeeda dhawra
Sabaax farxadeeda dhawra

Dhaliilaha iga fogeeya
Dhaleeco qofkii ila raadsha
Dhirbaaxo markaaba saara

Si aan hore ugu dhaqaaqo
Goolkii u dhaliyo guusha
Maxay ugu dhabar adaygtay
Sabaax ugu dhabar adaygtay

Exit mobile version