sidaad iigu wayntay
wadnaha iigu dhigantay
dadka waxaan u wariyaa
inaad dumar ugu wacantay

marka aan ku waayee
warda aragtidaadiyo
weedhaadu ii iman
kalibaan walwalayaa

xiisahaagu waligay
laabtanuu ku waynyoo
wadkiyo ILAAHAY
wuxuu keeno naga wayn
ayuunbaan wanaageey
wacantii naftaydaay
wardaay kugu iloobaa

waayaha aduunkiyo
waqtigaa sidiisaba
labadii is waafaqee
xili kala wareejiyo

waagii baryaba
WAYNAHAAN ka tuugaa
kuwii nolol wadaagana
warda inaan ahaanee

Exit mobile version