Qof qudha hadii loo afduuboo
Niyada ruux loo hibeeyo
Intoo loo xeer furnaado
Hadii Ruux la isku dhiibo
Nolosha in lagama waayeen
Dartii ruux looma ilmeeyo
Adkeysana lama ilaawo
Qalbigana la iskama daciifsho
Waxaa la is baraa dulqaadee
Sidaa looma sii nuglaadoo
Waxaa la is baraa dulqaadee
Sidaa looma sii nuglaadoo
2x
Dharaaraha maanta liitaa
Ha dhihin waa kuu lu'gooyoo
Ha dhihin ladi maysid caawa
Naftana ha liciifin goorna
Libinta waa loo samraayee
Ha noqon ruux laga ducaysto
Libinta waa loo samraayee
Ha noqon ruux laga ducaysto
Dartii ruux looma ilmeeyo
Adkeysana lama ilaawo
Qalbigana la iskama daciifsho
Waxaa la is baraa dulqaadee
Sidaa looma sii nuglaadoo
Waxaa la is baraa dulqaadee
Sidaa looma sii nuglaadoo
2x

Exit mobile version