Hanaan Socodka
Laafyaha hagar Li'i
Wax Qabashada
Hindisihiyo Faalada
Hal Celinta Sheekada
X2

Hadaan Caano Lagu
Habin aman Hoyaded
Korin mahayseen
Asluubtiyo edebtiyo
Xishoodkee x2

Waxa kugu habona
Istareey hareeraha
Nugaaleed kayn
Wada hareeeriya
Marka roobku uu
Helo oo xareedu
Haradiyo hoos jiifto
Geedaha x2

Hal irman sidig iyo
Haleelo aad ku masha
Dhalinyara hobshaysiyo
Hablo kuu cayaaraan
Istarey x2

Sida geel hilaac baxay
Howd iyo danood helay
Oo horseed u maqan
Yahay higsanaaya
Goor Wacan x2

Hiyigiyo naftaydii
Adaa hebed ka dhigay
Oo hilbahaygi saafoo
Haween iiga laacee
X2

Waxa kugu habona
Istarey adoo xafadii
Hodan jidka fooqa
Hoosmara hareeri
Hiisa ubaxa leh
Haben ciida ay tahay
Adigoo hidaha xiran
Hutelkii taleex baan
Hedhe kugu casuma
X2

Hal irmaan sidig iyo
Haleelo aad ku Masha
Dhaliyara hobshaysiyo
Hablo kuu ciyaaraan
Istarey x2

Exit mobile version