jamaadey
wax jacayl la moodaa
intuu jilibka ii dhigay
ijbaaxay anigee
jirribkiyo dhibkaan qabo
jinni qabe shabeel iyo
aar jimicsanaayaa
jeenyaha i saaree

jamaalkaagu inanyahay
igu noqoyay jawharad
wadnahayga jiifee
cilmi kii jilbahaw dhigaa hooyaa
jare ii maleegoo
jeegada i gooyee.

jamaadeey
jiilaal abaaiyo
jaga laga hayaamiyo
waxaan jabaqle soo maray
jarmaadiyo carraababa
jidka waxaan ku soo jiray
hadba jimicsi iyo taah
jidkaan anigu soo maray

jamaalkaagu inaanyahay
igu noqoye jawharad
wadnahayga jiifee
cilmi kii jilbahaw dhigaa
jare ii maleegoo
jeegadaa i gooyee.

Lyrics by : Muhidin Ali

Exit mobile version