qoyskii is ciseeyee
calmashada kuwada nool
caruurtay dhaleen
curadkeeda dhawrtee
ku caweya nolol wacan

cabashada waxaa taban
ku aan kuu gorow celin
adna camal wanaageey\
cadhadii ka waantow

cadceedoo iftiimaay
dhirtoo cagaarlaay
caqliga la kaashoo
caashaqeena gaamuray
ma wax lagu ciyaaraa

cadawbaa ku helayoo
carab dalab le kugu yidhi
ninka calafku kugu daray
calooshaba ka gooyoo
yaanu ciirsi kuu noqon

cidlay kula rabaane
caynkaa ha yeeline
caynteed jacaylkani
curuuqaha i gaadhay

Exit mobile version