Shirka dumar miyaa galay?
Horta yaad la showrtaa?
Ayaad kala shushubataan?
Makuu sheeka-dhaameen?
Sheekhaagu waa kuma?
Shaydaankaagu kululaa
Shidadaadu badanaa
Taladaan shakaallaba
Shanshada maxaad u goysaa?
Sharadkaynu dhiganaba
Horta maxaad u sheegtaa?
Maxaad maxaad u sheegtaa?
Shilba iguma oognee
Shaydaan iguma dheehnee
Shiddo dooni maayee
Salaan sharafle oo wacan
Maysku shaafiyaynaa?
Shiikhayga caashaqa
Ha sheegsheegin adiguye
Rooxaantaydan sheekada
Haku shaamareerine
Shaxdaan degeyba
Maad i garan
Wayna kaa shishaysaa
Libaaxuba ka shiishee
Shafka gumaca kaga rida
sharad wuxu ku qaadaa
Inuu boodda shaaximin
Dhakhsa ugu shadheedhnaa
Ana waxaan shin-tiriyoon
Sharaf kugu hagoogaba
Saw-digan shuwaalkiyo
Shantii faradka aan gudan
Sharadkaynu dhiganaba
Horta maxaad u sheegtaa?
Maxaad maxaad u sheegtaa?
Waxaan kala shubaayaa
Sheedda uga baaqaa
Talaa iga shareerane
Qof shiinkii dhammaadiyo
Shalay miyaa lasoo celin?
Shiiloo u jeedada
Shanta dhabanka-saaroo
Ka shintiri ayaamoo
Shimbirahana waydii :))
Shaxdaan degeyba
Maad i garan
Wayna kaa shishaysaa

Exit mobile version