waa nabad haada tidhi
waayo waa maxa jira
naftu waalidayside
aawada u wiiqme
cishqi laga waraabsha
ayaad kala warlaadihin
waxa haysta ma ogtahay

wagereey hadalku weyna
wacadaraale badanaa
wacalee maxaa dhacay
goormad waranka qaadoo
gawaraabshay dhiigo
ku wareemay dhuux daran
ku weydiiyey adigee
wakhtigaa bal iisheg

warankaagu anigu
waaxyaha i gooyo
waabaydiisi
wadnahayga gaadhe
waxa ani wadkayga
iga weecin mayside
wax ka qabo jacaylkan
adiga igu waabe

adaa wabax u xiiso
walwalkeed ka shubayo
warka ula kacshee
adigoo wax saar kale
wadadu yaanay ka lumin
waanan ku farayaa

Exit mobile version