Jacayl calafbaan u nacay
Jidkiyo cidladuu i dhigay
Jabkiyo caynaduu i baday
Jawaab culusbay ahayd

Jacayl calafbaan u nacay
Jidkiyo cidladuu i dhigay
Jabkiyo caynaduu i baday
Jawaab culusbay ahayd

Jibiyo ceeryaamadii
Jawigii caraftaa lahaa
Jihada aadan cid garan
Jirbaa kali igu curtoo
Jibaad iyo ciil ma lado

Jibiyo ceeryaamadii
Jawigii caraftaa lahaa
Jihada aadan cid garan
Jirbaa kali igu curtoo
Jibaad iyo ciil ma lado

Jaaraan waqtigan cakiran
Jalaaftiyo casharadii
Jarkaan caawaba ka dhacay
Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo

Jaaraan waqtigan cakiran
Jalaaftiyo casharadii
Jarkaan caawaba ka dhacay
Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo

Jidaystay inuu cidnaba
Jamaadeey caawinayn
Jiraduu cilmi soo bariyo
Intuu jabiyaan ogaa

Jidaystay inuu cidnaba
Jamaadeey caawinayn
Jiraduu cilmi soo bariyo
Intuu jabiyaan ogaa

Jeedaalada xiiso raagay
Janqada labadii is jeclaa
Jeexiyo wehelkii is rabay
Jeel iyo oon ugu dariyo
Jid goo noloshii maqnayd

Jeedaalada xiiso raagay
Janqada labadii is jeclaa
Jeexiyo wehelkii is rabay
Jeel iyo oon ugu dariyo
Jid goo noloshii maqnayd

Jaaraan waqtigan cakiran
Jalaaftiyo casharadii
Jarkaan caawaba ka dhacay
Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo

Jaaraan waqtigan cakiran
Jalaaftiyo casharadii
Jarkaan caawaba ka dhacay
Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo

Exit mobile version