Aayihii naftaydaay
Garashiyo aqooniyo
Aqli iyo asluuba
ALLAA ku dhameeyoo
Aynigaa ku dhaaftay

Aduunyadan dhamaantees
Inta dumar dhex joogtana
Adaan kaa doortayoo
Waliba kaa aaminoo
Aadbaan kuu jeclahay

Sidaad aayaheeniyo
Danta ugu arimisaan
Ana kuu ilaashaa
Ismahaaneey macaney ogsoonow
Ifka intaan ku noolahay
Abaalkaaga waligay ma iloowi doono

Ismahaan abaayooy
Amaan waxa istaahila
Aabihii ku dhalay iyo
Hooyadii ku ababisay
ALLE kaama qaadee

Runtii ani waxaan rabaa
Aqal inaan kula galo
Ooridayda noqota oo
Waliba ubad ii dhashoo.
Aadbaan kuu jeclahay

Exit mobile version